Shan waxyaabood oo laga bartay guushii ay Barcelona ka gaartay Real Betis… (MSN oo rikoodh ay horay u dhigeen jabiyey)

(Real Betis) 01 Maajo 2016 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul ka gaartay Real Betis oo ay marti u ahayd kulan ku tirsan horyaalka La Ligaha Spain, iyadoo wiilasha MSN la isku yiraahdo ee Messi, Suarez iyo Neymar ay jabiyeen rikoodh ay horay u dhigeen.

Ciyaartii ka dhacday garoonka Estadio Benito Villamarin ayay Barcelona kooxda Real Betis kaga adkaaday 2-0, waxaana Barca labada gool u kala dhaliyey Rakitic 50’daqiiqo iyo Suarez 81’daqiiqo.

ChUS5YQUYAAuyuD

Xaqiiqooyinka kulanka:-

>- Luis Suarez waa kaliya ciyaaryahanka labaad ee Barcelona kaasoo gaaray 35 gool iyo wax ka badan hal xilli ciyaareed horyaalka La Liga, kaddib Lionel Messi.

>- Lionel Messi ayaa 127 caawin ka sameeyey horyaalka La Ligaha Spain, waxaana uu 50 caawin ka badan dheer yahay weeraryahanada kale ee La Liga.

>- Luis Suarez ayaa hadda u dhaliyey 55 gool kooxdiisa iyo dalkiisa xilli ciyaareedkan.

>- Lionel Messi ayaa sameeyey 55 caawin tan iyo 2012/13, ugu yaraan waxa uu 6 dheer yahan xiddigaha kale ee ka ciyaara shanta horyaalka ee ugu wayn Yurub.

>- Weeraryahannada MSN ee Messi, Suarez iyo Neymar ayaa jabiyey rikoodh ay horey u sameeyeen sanadkii la soo dhaafay ee ahaa inay dhaliyeen 122-gool, maxaa yeelay hadda waxa ay wadar ahaan dhaliyeen 123-gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close