Massimiliano Allegri oo dib u dhigay wada hadalada heshiis kordhinta kooxdiisa

(Turin) 01 Maajo 2016 Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa ka hadlay heshiis kordhintiisa kadib guushii ay galabta kooxdiisu ka gaartay Carpi.

Massimiliano Allegri ayaa sheegay in isbuucaan uusan maamulka kooxdiisa la fariisan doonin balse arinka heshiis kordhinta uu kala hadli doono isbuuca dambe.

Allegri ayaa horyaalka talaaniga ku hogaamiyay kooxdiisa Juventus sanadkii 2-aad isaga oo Final-ka Champions League geeyay xiliciyaareedkii hore.

“Marnaba heshiis kordhintu suurogal ma ahan isbuucaan” ayuu yiri tababare Massimiliano Allegri mar wax laga waydiiyay heshiis kordhintiisa isbuucaan.

“Laakiin dhib ma jiro, isfahan ayaan laleenahay maamulka, waxaan wada kulmi doonaa isbuuca dambe si aan u wada hadalno”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close