Kadib guul daradii Man City, waa sidee tartanka booska 4-aad ee horyaalka ingiriiska?

(London) 01 Maajo 2016 Ilaa 4 kooxood ayaa u hanqal taagaya booska 4-aad ee kala saraynta horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kan kadib guul daradii caawa soo gaartay kooxda Man City.

Arsenal, Man City, Man United iyo West Ham ayaa ku tartamaya booska 4-aad ee kala saraynta horyaalka ingiriiska, Arsenal ayaana u baahan kaliya hal kulan oo ay guul gaarto si ay u xaqiijiso inay u soo baxday Champions League ee xiliciyaareedka dambe.

Man United iyo West Ham United ayuu baaqi u yahay kulan kaas oo midkood haddii uu badiyo uu ka soo agdhawaan doono kooxda Man City oo haatan fadhisa booska 4-aad.

Man City lagama wayn 4-ta sare ee horyaalka ingiriiska tan iyo 2009/10, iyaga oo wixii ka danbeeyay waqtigaas soo tiigsanayay koobka horyaalada yurub.

United iyo West Ham ayaa u dhag taagaya kulanka u dhexeeya Arsenal iyo Man City isbuuca dambe kaas oo kala go’aamin doona kooxda ku dhamaysan doonta booska 3-aad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close