Claudio Ranieri oo aan daawan doonin kulanka Chelsea iyo Tottenham (Ogoow sababta)

(Leicester) 01 Maajo 2016 Tababaraha kooxda Leicester City ee Claudio Ranieri ayaa sheegay inuusan daawan doonin kulanka u dhexeeya habeen dambe kooxaha Chelsea iyo Tottenham ee horyaalka ingiriiska.

Leicester City ayaa barbaro lagashay caawa Man United taas oo dib u dhigtay inay u dabaal dagaan ku guulaysiga horyaalka ingiriiska balse haddii ay guul daro soo gaarto Tottenham ayaa ka dhigan in Leicester ay hanatay horyaalka.

Claudio Ranieri ayaa sheegay in uu safar yahay xiliga Tottenham iyo Chelsea ay ciyaarayaan wuxuuna intaa ku daray inuu ogaan doono natiijada ciyaarta marka uu ka soo dago diyaarada.

“Waan jeclahay inaan daawado kulanka barri laakiin ma awoodo” ayuu yiri tababare Claudio Ranieri oo ka hadlay kulanka Tottenham iyo Chelsea.

“Waxaan ka soo laaban doonaa Italy sidaas darteed ma garan karo natiijada ilaa aan dhulka imaado, waxaa muhiim noo ah inaan sii wadno shaqada”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close