XOG: Guardiola oo Power Point ku diyaariyey laacibiinta uu xagaaga u doonayo Man City

(Manchester) 30 Abriil 2016 – Pep Guardiola ayaa la sheegayaa inuu horraanba isku duwey bandhig Power Point ah oo ku saabsan laacibiinta uu doonayo in xagaaga lagusoo kordhiyo kooxda Manchester City.

Warsidaha Daily Mail ayaa qoraya in Guardiola uu diyaarinayo bandhig uu ku sameeynayo faah faahin daqiiq ah oo ku aaddan xiddigaha cusub ee uu rabo inuu xagaaga ku duulo.

Macallinka haatan ee Bayern Munich ayaan weli kooxda macallin u ahayn lkn waxay durba kasii macaashayaan sida uu u jecel yahay inuu si faahfaahsan u wajoho hoowsha hortaalla, iyadoo ay u badan tahay inuu xagaagani noqdo mid aad u mashquul badan dhanka City, marka sidoo kale la eego laacibiinta kooxda ka tegi doonta.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close