SAWIRRO: Maxaa ka jira in la bedelayo astaanta AC Milan? (Funaanadda cusub ee 2016-17 oo la helay)

(Milano) 30 Abriil 2016 – Astaanta ama loogada kooxda AC Milan ayaa waxaa soo baxayey warar sheegaya in qaabkeeda wax laga bedelayo.

Astaanta ayaa sida la yiri guud ahaan wadanaysa qaabkeedii hore iyadoo naqshadda uu wax yar oo hal abuur ah lagu darayo oo dhinac looga dhejinayo astaanta Cassa Milan oo ah xarunta cusub ee kooxda.

Yeelkeede, war rasmi ah oo kasoo baxay isla kooxda AC Milan ayaa warkaasi ganafka ku dhuftay iyagoo beeniyey inay haba yaraatee wax ka bedelayaan astaanta kooxda oo sideedii ahaan doonta.

Dhanka kale, waxaa soo baxay muuqaal muujinaya funaanadda cusub ee ay kooxda AC Milan ku dheeli doonto fasal-ciyaareedka soo aaddan ee 2016-17.

Naqshaddan oo ay farsamaysay isla sharikadda kooxda ka taageerta dhanka agabka isboortiga ee Adidas ayaa uun u eg qaabkii taqliidiga ahaa ee kooxda.

b B2 B3 B4 B5 B6 B7 B9

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close