Juventus oo 3 isbuuc u qabatay Pogba inuu go’aan uga gaaro mustaqbalkiisa

(Turin) 30 Abriil 2016 Kooxda Juventus ayaa waqti u qabatay laacibkooda qadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo doonaya inuu katago dhamaadka xiliciyaareed kan.

La Gazzetta dello Sport ayaa daaha ka qaaday in kooxda Juventus ay go’aamin doonto mustaqbalka laacibkooda Paul Pogba isbuucyada nagu soo aadan.

Kooxda macalin Allegri ayaa u qabatay Paul Pogba inuu go’aan ku soo gaaro 3 isbuuc gudahood kaas oo ku aadan inuu joogayo ama inuu baxayo.

Qandaraaska Pogba ee Juventus ayaa ku eg ilaa 2019 laakiin kooxaha Man City, Chelsea, Real Madrid, Barcelona iyo PSG ayaa si wayn u doonaya laacibka reer France.

Juventus ayaa doonaysa inay ka saxiixdo Pogba hal sano oo dheeraad ah iyaga oo kor u qaadaya mushaarkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close