HOR DHAC: Arsenal Vs. Norwich

123

(London) 30 Abriil 2016. Arsenal waxa ay isha ku haysa sii xoojinta dagaalka ay ugu jirto u soo bixida Champions League marka ay qaabisho Norwich Sabtida kulanka oo ka dhacaya Emirates.

Gunners waxa ay si KMG ah u gali kartaa booska saddexaad muddo 24 saac ah ugu yaraan, laakiin waxa ay wajahayaan Norwich oo ay guul ka soo saari karto soonka halista ah.

 

WARARKA LABADA NAADI

___ Arsenal wal wal dhinaca dhaawaca ah ma qabaan kahor  kulanka Norwich, Santi Cazorla iyo  Alex Oxlade Chamberlain dhamaan waxa ay ku dhow yihiin in ay ku soo laabtaan safka kowaad.

___ Danny Welbeck waxaa la filayaa in uu safka kowaad uga hor maro Olivier Giroud oo aan saameyntii la rabay ku yeelan kulankii Sunderland.

___ Jack Wilshere waxa laga yabaa in uu kulankiisii ugu horeeyey ololaha ku soo bilowdo.

___ Norwich wax mushaakil ah oo dhaawacyo ah ma haysto

 

LA SOCO…..

___ Norwich 25 ka mida 28-kii kulan ee horyaalka ugu dambeeyey ma aysan badin.

___ Arsenal lagama badin 7-dii kulan ee Premier Leaugue ugu dambeeysay.

___ Norwich shan ka mida lixdii kulan ee ugu dambeeysay ma badin.

 

SAFAFKA LA FILI KARO

Arsenal:Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Elneny, Ramsey, Sanchez, Ozil, Iwobi; Welbeck

Norwich:Ruddy; Martin, Bennett, Bassong, Olsson; Redmond, O’Neil, Hoolahan, Brady; Naismith; Mbokani

 

Gegida: Emirates

Saacadda Geeska Africa: 7:30Pm

Dhex dhexaadiyaha: Mike Jones

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close