XAN: Arsenal oo isha la raaceysa saddex wiil xagaaga nagu soo foolka leh

alvaro-morata-cropped_1pj9gjmifbidx1bm41t2os4arw

(London) 08 Abriil 2016. Arsene Wenger waxa uu rajeynayaa in uu soo xero galiyo Alvaro Morata, Kostas Manolas and Granit Xhaka xagaaga soo socda si uu dib u dhis ugu sameeyo safka Arsenal, sida laga soo xiganayo Daily Mirror.

Tababaraha Gunners mudo dheer ayuu daneenayey weeraryahanka Juventus Morata, kaas oo dhaliyey lix gool oo horyaalka ah 29 kulam oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana la sheegay in uu diyaar u yahay la soo wareegida 23 jirka.

Wenger sidoo kale waxaa la sheegay in uu doonayo daafaca dhexe ee Roma Manolas, walow uu loolan kala kulmi doono Chelsea iyo Everton oo raba wiilka reer Giriig.

24 jirka waxa uu udub dhexaad u ahaa ololahan gaasha dhiga Roma waxa uuna saftay 30 jeer.

Magaca ugu dambeeya ee saddex wiil ayaa ah khadka dhexe ee Borrusia Monchenglabach Xhaka, kaas oo ku kici doona £30m sida kooxdiisa looga soo qaado.

DV2222976
DV2222976

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close