”Waxaa jira wadiiqooyin badan oo aan Juve ku garaaci karno” – Honda

(Milano) 08 Maarso 2016 – Kubad qaabeeyaha AC Milan ee Keisuke Honda ayaa rumeeysan inay jiraan ‘wadiiqooyin fara badan oo lagu garaaci karo Juventus’, waloow ay adkaan doonto’.

Kulankan ayaa bilaaban doona berri fiidkii 20:45, iyadoo ay Rossoneri ku mashquulsan tahay inay hesho qaaciddo lagu garaaci karo hogaamiyayaasha Serie A si ay nafta ugu soo celiyaan kooxdooda sii liicaysey kulamadii dambe.

“Dhibaato kasta waxay leedahay dhowr xal, balse in aad doorato xalka ugu wanaagsan waa adag yahay,”  ayuu Honda ku yiri La Gazzetta dello Sport.

Milan ayaa sanadkan noqotay koox iska dhicisa kooxaha waawayn, balse banjarta marka ay wajahdo kooxaha ka yar yar ama boos ahaan ka hooseeya.

“Dhibaato wayn baannu ku qabnaa kooxaha inta difaac noo gala annaga kubadda noo daaya, balse ciyaartan waxaan u diyaarinay si wanaagsan maadaama aannu hal todobaad xareeysnayn.” ayuu raaciyey Honda.

Generated by  IJG JPEG Library
Generated by IJG JPEG Library

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close