WAA IIB: Eden Hazard oo noqonaya qofka ugu horeeya ee ay saameeyso magacaabiddii Antonio Conte. Maxaa wacay?)

(London) 08 Abriil 2016. Kooxaha waa weyn ee Europe oo heegan la galiyey iyada oo ay u egtahay in Belgium-ka uu ka tagayo Stamford Bridge

contes_reign_and_h_2786935a

EDEN HAZARD waxaa lagu wadaa in uu noqdo qofka ugu horeeya ee ay saameyso magacaabiddii Antonio Conte ee Chelsea.

Sunsport waxa ay daaha ka rogtay in labada wakiil ee sar sare ay u shegeen kooxaha waa weyn ee Yurub in ciyaaryahanka xulka qaranka Belgium ee uu iib yahay.

Labada wakiilba waxa ay xiriir aad u dhow la leeyihiin Blues waxa ayna  Stamford Bridge u soo iibiyen ciyaaryahano halka qaarna ay ka kexeeyen.

Hazard waxa uu ka mid yahay xiddigaha sababta u ahaa in shaqada laga eryo Jose Mourinho –  arin lagu baraarujiyey Conte.

Sida toddobaadkii hore la wariyey ninka reer Italia waxa uu ciyaaryahanadiisa ka dalbadaa daacadnimo iyo dhaqan wanaagsan waana ahmiyadiisa ugu weyn.

02_07183149_d78b3a_2786677a

Hase yeshee, 24 jirka garabkaka dheela waxa uu diiday in uu meesha ka saaro ka tagida Chelsea xagaaga soo socda waxa uuna muujiyey sida uu ula dhacsan yahay Paris Saint – Germain iyo Real Madrid.

Labadaas kooxoodba waxa ay soo bandhigeen sida ay u xiiseenayaan iibsiga Hazard xagaaga soo socda waxa ayna u egtahay in ciyaaryahanka uu Chelsea ka tagi doono hadii qiimihiisa saxda ah a bixiyo.

Jariirada the Sun waxa a bishii Janaayo  warisay in Chelsea ay markii hore ku dooneysay £80million.

Balse hoos u dhaca ku yimi Hazard tan iyo markii shaqada laga eryey Mourinho ayaa keentay in Chelsea maamulkeeda ay garowsadaan in ay qiimihiisa ka dhigaan  aduun ugu badnaan gaaraya £50m.

03_07183149_5dbdff_2786678a

Conte  waxaa suuragal ah in uu  u hogaansamo aragtida ah heshiis is dhaafsi oo dhex mara Real Madrid si James Rodriguez uu Stamford Bridge u soo caga dhigto.

Talyaaniga waxa uu u sheegay masuulka ugu sareeya Chelsea ee qaabilsan dhaq dhaqaaqa suuqa kala iibsiga Marina Granovskaia, in ahmiyadiisa ugu weyn ay tahay daafac dhexe oo aad u adag.

Conte sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu toddobaadkan la kulmo John Terry si loo kala cadeeyo in uu sanad dheeri ah joogi doono kooxda iyo in kale.

04_07183149_d04062_2786679a

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close