Origi iyo Suarez oo hoggaaminaya kooxda usbuuca ee Europa League

(Goal) 08 Abriil 2016 – Shabakadda ciyaaraha ee goal.com ayaa shaacisay kooxda usbuuca ee Europa League, waxaana hoggaaminaya xiddiga Liverpool ee Origi iyo laacibka Villarreal ee Suarez.

Kooxaha Villarreal iyo Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku yeeshay kooxda todobaadka ee Europa League, waxaana kooxdiiba ay ku leedahay min saddex ciyaaryahan.

Borussia Dortmund ayaa dhankeeda ku yeelatay labo ciyaaryahan, halka min hal xiddig ay ku leeyihiin shaxdan kooxaha Sevilla, Shakhtar Donetsk iyo Athletic Bilbao.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxda usbuuca ee Europa League:-

Europa

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close