Jose Mourinho oo Magaalada Manchester ka ugaarsanaya QASRIGII uu degi lahaa! Maxaa soo kordhay?)

(Manchester) 08 Abriil 2016. Special waxa sare u sii kaceysa kalsoonidiisa ah in loo magacaabi doono maamulka Old Trafford

MOURIONHO-main_2786727a

JOSE MOURINHO waxa uu baadi goob ugu jiraa guri ku yaal Manchester –  taas oo albaaba u fureysa u soo wareegida United.

Wakiil u shaqeenaya  Portugeese-ka ayaa  uga raadinaya deegaanka Cheshire hanta ku haboon.

Sunsport ayaa soo warisay toddobaadkan sida tababarihii hore ee Chelsea ay u weyn tahay fursada uu Old Trafford uga soo muuqanayo.

Hada waxa uu qabaa in cadeynta uu rabo dhowaan uu heli doono.

02_07205747_3df8a9_2786763a

Mourinho waxa uu is fahan afka ah dhex maray kooxda oo ku aadan in uu dhaxli doono Louis Van Gaal bisha Maajo.

Hase ahaatee, waxa uu rabaa qoraal cadeyn ah kaddib markii uu tababarihii hore ee kooxda hadana ah agaasimaha  naadiga Sir Alex Feguson uu taageeray ninka reer Holland.

Laba guulo oo xiriir ah oo ay min 1-0 ku badisay ayaa dib u siiyey fursad ay Champions League dambe ugu soo bixi karto.

03_07205747_3a39c3_2786764a

Waxa ay boos iyo dhibicba ka hooseysaa Manchester City kuwaas oo iyana raadinaya boos ay Champions League ugu soo baxaan.

United waxa ay wali qeyb ka tahay FA Cup-ka iyada oo kulan la leh West Ham wareegiisa sideed dhamaadka oo ay arbacada dambe dheeli doonto.

Laakiin agaasimeyaasha furaha u ah kooxda ayaaa iminka qorsheenayaa is badal –  weyna ogyihiin in aysan heli dooni fursad dambe oo ay ku magacaabaan shaqsi la heer ah Mourinho hadi ay dayacaan hada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close