Harry Kane oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha ee Premier League

 (London) 08 Abriil 2016 – Xiddiga xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa Premier League bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Ciyaaryahanka ku dhashay Walthamstow ayaa dhaliyey shan gool afartii kulan ee uu kooxdiisa Tottenham u ciyaaray bishaas.

Waxa uu goolal ka wada dhaliyey kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Arsenal, iyo kooxaha kale ee Aston Villa iyo Bournemouth.

Harry Kane waxa uu abaal-marinatan ku garaacay weeraryahanka West Ham ee Dimitri Payet, labada xiddig ee  Leicester City Wes Morgan iyo Riyad Mahrez, ciyaaryahanka Southampton ee Graziano Pelle iyo daafaca Swansea ee Ashley Williams.

Kane hadda waxa uu u dhaliyey 22 gool oo Premier League kooxdiisa ka dhisan waqooyiga London.

HARRY KANE IYO RIKOODHKIISA BISHII MAARSO:-

March 5 (hal gool) Tottenham 2-2 Arsenal

March 13 (labo gool) Villa 0-2 Tottenham

March 20 (labo gool) Tottenham 3-0 B’mouth

Kane

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close