Claudio Ranieri oo loo magacaabay macallinka bisha ee Premier League + Sawirro

 (Leicester) 08 Abriil 2016 – Tababaraha kooxda kubadda cagta Leicester City ee Claudio Ranieri ayaa ku guuleystay abaal-marinta macallinka ugu fiicnaa Premier League bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxaana uu abaal-marintaan ku guuleystay markiisii labaad xilli ciyaareedkan.

Macallinka kooxda dawacooyinka lagu naaneyso ee reer Talyaani Ranieri ayaa ka caawiyey kooxdiisa inaan laga adkaan oo ay unbeaten ahaadaan bishii Maarso.

Leicester City waxa ay bishaas Maarso garaaceen kooxaha Watford, Newcastle iyo Crystal Palace, iyagoo barbaro la galay kooxda West Brom.

CffpL-1XEAAW-HN.jpg large

Tababare Ranieri waxa uu abaal-marintan ku garaacay macallinka West Ham ee Slaven Bilic, kan Swansea ee Francesco Guidolin iyo hoggaamiyaha Bournemouth Eddie Howe.

Ranieri ayaa haysa toddobaad wanaagsan, isagoo sidoo kale ku guuleystay tababaraha Sanadka Talyaaniga.

NATIIJOOYINKII LEICESTER CITY EE BISHII MAARSO:-

March 1 Leicester 2-2 West Brom

March 5 Watford 0-1 Leicester

March 14 Leicester 1-0 Newcastle

March 19 Crystal Palace 0-1 Leicester

Ranieri

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close