Wolfsburg oo xiddigaha ugu badan ku leh kooxda usbuuca ee Champions League kaddib guushii cajiibka ahayd ee ay ka gaartay Real Madrid

(Paris) 07 Abriil 2016 –  Kooxda kubadda cagta Wolfsburg ayaa xiddigaha ugu badan ku yeelatay kooxda usbuuca ee Champions League, kaddib guushii cajiibka ahayd ee ay xalay ka gaartay Real Madrid.

Wolfsburg waxa ay kooxda usbuuca ee Champions League ku yeelatay lix ciyaaryahankan, iyadoo kooxo waa wayn sida Real Madrid, Atletico Madrid, Man City iyo PSG lagu qadiyey shaxdan.

Kooxda labaad ee xiddigaha ugu badan ku leh shaxda usbuuca ee Champions League waa Barcelona oo ku leh saddex ciyaaryahan oo kala ah Suarez, Iniesta iyo Alves.

Kooxaha Bayern Munich iyo Benfica ayaana ku yeeshay min hal ciyaaryahan waana Vidal iyo Jardel.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda usbuuca ee Champions League:-

cl-team-of

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close