Waxyaabihii laga bartay guuldarradii kooxda Real Madrid ka soo gaartay Wolfsburg ee Champions League

(Wolfsburg) 07 Abriil 2016 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xalay looga soo yaabsaday waddanka Jarmalka lugta hore ee siddeed dhammaadka Champions League markii ay booqatay kooxda Wolfsburg.

Ciyaartii ka dhacday garoonka Volkswagen Arena ayaa Real Madrid looga soo adkaaday 2-0, waxaana kooxda Wolfsburg labada gool u kala dhaliyey Rodriguez 18’daqiiqo rigoore iyo Arnold 25’daqiiqo, kooxda cad-cadka ayeyna howl adagi sugeysaa marka lugta labaad loogusoo martiyo Spain.

Xaqiiqooyinka kulanka:-

>- Kooxda Real Madrid waa laga reebaa Champions League wareeggiisa rubuc dhammaadka marka ay lumiyaan lugta hore ama laga adkaado lugta hore.

>- Ricardo Rodriguez ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee gool kaga dhaliya goolhaye Keylor Navas Champions League muddo 738 daqiiqo ah.

>- Real Madrid ayaa markii ugu horreysay labo gool oo nadiif ah looga adkaaday Champions League tan iyo bishii Abriil sanadkii 2014-kii, markaasoo ay la dheelayeen Borussia Dortmund.

Real

Waxaa qoray: Haaruun Khasaaro

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close