Raphael Varane oo seegay tababarka Real Madrid ee ka hor kulanka Eibar

(Madrid) 07 Abriil 2016 Shabakada Defance Central ayaa shaacisay in daafaca reer France ee Raphael Varane uusan saaka kasoo muuqan tababarkii kooxda Real Madrid ee ka hor kulanka sabtiga ee Eibar.

Real Madrid oo xalay guul daro ka soo qaadatay Germanka ayaa galabka sabtiga garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda Eibar kulan ka tirsan isbuuca 32-aad ee Laliga.

Raphael Varane ayaa la sheegay inuu ka maqnaa tababarkii saaka ee intabadan ciyaartoyda Real Madrid ay isugu diyaarinayeen kulanka adag ee Eibar.

Dhamaan ciyaartoydii ka qayb qaadatay kulankii Wolfsburg ayaa qaatay tababar gooni ah halka Casemiro iyo Kroos ay ka soo muuqdeen tababarka garoonka gudihiisa.

Tababare Zidane ayaa doonaya inuu iska mayro guul daradii xanuunka badnayd ee xalay ka soo gaartay kooxda Wolfsburg oo 2-0 ku soo khaarijisay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close