Nyemar oo ka hadlay laacibka ugu wanaagsanaa ee u abid la ciyaaray, midka uu haatan doonayo iyo midkii uu ku dayan jirey!

(Barcelona) 07 Maarso 2016 – Qannaaska Barcelona ee Neymar ayaa sheegan “inuu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro” laacibka Juventus ee khadka dhexe ee Paul Pogba.

Kooxda Bianconeri ayaa diiddey dalab kaga yimi kooxda Catalania oo xagaagii xiddigan dooneysey, balse wararka laacibka la xiriirinaya Camp Nou ayaa xagaagan halkoodii kasoo socon doona.

“Laacibkee ayaan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro?” Neymar ayaa ka fikirey mar uu la hadlayey webka rasmiga ah ee uu leeyahay La Liga.

“Pogba, waa laacib halkan ku wanaagsanaan lahaa halkan. Farxad wayn bay ahaan lahayd inuu funaanaddan xirto.” ayuu daba dhigay neymar oo sidoo kale sheegay inuu ku dayan jirey laacibka Robinho oo uu sawirkiisu gurigiisa ku dheganaan jirey.

“Laacibka ugu wanaagsan ee aan abid ka garab ciyaaray? Leo [Messi].” ayuu yiri.

bb

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close