Koox isku dhaf ah oo laga sameeyey kulanka caawa ee Dortmund iyo Liverpool… (Coutinho mise Mkhitaryan yaa ku jira shaxdan?)

(Dortmund) 07 Abriil 2016 – Kooxaha Liverpool iyo Borussia Dortmund ayaa caawa wada ciyaari doona lugta hore ee siddeed dhammaadka Europa League, waxaana ka hor kulankooda laga sameeyey koox isku dhaf ah.

Borussia Dortmund ayaa shaxda isku dhafka ah oo ay samaysay Daily Star ku leh xiddigaha ugu badan waxaana ay ku yeelatay 7 ciyaaryahan, halka Liverpool oo marti ah ay ku leedahay kaliya afar xiddig.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ku laabtay waddanka laga jecel yahay, waxaana uu caawa ku ciyaari doonaa garoonka kooxdiisii hore ee Dortmund, kooxda Liverpool ayaana shaxda isku dhafka ah ku leh afarta ciyaaryahan ee kala ah Emre Can, Roberto Firmino, Philippe Coutinho iyo Daniel Sturridge.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda isku dhafka ah ee laga sameeyey kooxaha Liverpool iyo Borussia Dortmund ka hor kulankooda caawa:-

481960

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close