HOR DHAC: Borussia Dortmund V Liverpool (Klopp oo booqanaya rugtiisii hore+kulamada kale ee Europa League)

Dortmund-Liverpool-702x336

(Dortmund) 07 Abriil 2016. Jurgen Klopp waxa uu markii ugu horeysay ku laaban doona Signal Iduna tan iyo xagaagii hore oo uu ka soo tagay marka dhinaciisa Liverpool ay wajahaan Borussia Dortmund lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Europa League.

WARARKA LABADA NAADI

Borussia Dortmund

___    Ilkay Gundogan, Mats Hummels iyo  Sokratis dhamaan waxa ay ku soo laabteen tababarka taas oo sare u qaadi doonta  tababare Thomas Tuchel. Gundogan waxa uu dhaawac ku seegay shantii kulan ee u dambeeyey.

___ Nuri Sahin iyo Gonzalo Castro  waxa ay loolan ugu jiraan ka garab dheelida Julian Weigl madaama ay wali xilli hore tahay in Gundogan lagu soo bilaabo.

 

Liverpool

___ Thomas Tuchel waxaa la filayaa in uu dib ugu yeero safkiisa ugu culus kaddib markii uu nasiyey dhowr ciyaaryahan  kulanii ay 3-2 uga badiyeen Werder Bremen toddobadkan.

 

SOOYAALKA

___ Jurgen Klopp waxa uu leyliyey 319 kulan kooxda Borussia Dortmund kulamada tartamada ah, waxa uu badiyey 180 oo ka dhigan (56.4%).

___ Gegida Signal Iduna Park, Klopp waxa uu ku badiyey 96 isaga oo si rasmi ah ciyaaraha natiijada leh ku dheelay 155  waxa ay la micne tahay 61.9%.

___ Kooxda Germany wey wada badisay dhamaan afartii ciyaar ee ay bug baxda dheeshay ololaha Europa League xilli ciyaareedkan, 2-0, 1-0 oo ay ku garaacday Porto iyo 3-0, 2-1 oo ay uga badisay Tottenham Hotspur.

___ Liverpool lix gool oo qura ayaa laga badiyey 12-kii dheel ee ay ciyaareen Europa League.

___ Tani waxa ay noqon doonta markii 18-aad ee ay Liverpool  u dheesho Germany waxaana qeyn ka ah Bariga Germany –  Red waxa ay badisay laba kaliya 17-kii safar ee hore (9 waa la dilay lixna bar bar dhac).

 

SAFAFKA LA FILI KARO

Borussia Dortmund: Burki; Piszczek, Ginter, Hummels, Schmelzer; Weigl, Castro, Durm, Mkhitaryan, Reus; Aubameyang

Liverpool: Mignolet; Clyne, Lovren, Sakho, Moreno; Henderson, Can, Milner, Lallana, Coutinho; Sturridge

 

Gegida: Signal Iduna Park

Saacadda Geeska Africa: 10: 05 pm

 

KULAMADA KALE EE DHICI DOONA

 

Athletico Bilbao V Sevilla

Shkhtar Dontesk

Villarreal V Sparta Prague

Dhamaan waxa ay soo dhacayaan 10:05 Pm, Saacadda Geeska Africa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close