David Luiz iyo Blaise Matuidi oo seegaya kulanka lugta labaad ee Champions League oo ay PSG booqan doonto Man City

(Paris) 07 Abriil 2016 –  Kooxda kubadda cagta Paris Saint Germain ayaa wayn doonta xiddigeheeda muhiimka ah ee David Luiz iyo Blaise Matuidi kulanka lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League, kaddib markii ay kaararka digiinta ah u buuxsameen kulankii xalay.

Xiddigaha PSG ee David Luiz iyo Blaise Matuidi ayaa kaararka digniinta ah wada qaatay kulankii ay xalay barbaro 2-2 la galeen naadiga reer England ee Man City lugta hore ee siddeed dhammaadka Champions League, waxaana ay seegi doonaa lugta labaad oo ay PSG booqnayso garoonka Etihad ee kooxda Man City 12 bishan Abriil.

Waxaa xusid mudan in David Luiz kaarka digiinta ah la siiyey ciyaarta oo soconaysa 12-ilbiriqsi, waa jaalihii ugu dhaqsiyaha badnaa Champions League xilli ciyaareedkan iyo kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee la bixiyo tartankan tan iyo xilli ciyaareedkii 2003/04.

David

Waxaa qoray: Haaruun Khasaaro

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close