AS Roma oo u sheegtay kooxda Chelsea qiimaha ay kula wareegi karto Radja Nainggolan

(Rome) 07 Abriil 2016 –  Kooxda kubadda cagta AS Roma ee Waddanka Talyaaniga ayaa dhiggeeda Chelsea u sheegtay qiimaha ay kula gareegi karto xiddigeeda Radja Nainggolan oo diiradda u saaran tababaraha cusub ee Chelsea loo magacaabay ee Antonio Conte, kaasoo raba inuu Naiggloan ku arko Stamford Bridge.

Sida ay warinayso jariiradda Mirror kooxda Roma ayaa Chelsea u sheegtay inay 40 milyan oo gini ku heli karto saxiixa Radja Nainggolan, laakiin aysan Blues doonayn inay xiddigan ka bixiso lacag intaa la eg.

Kooxda Chelsea ayaan kali ku ahayn tartanka loogu jiro saxiixa Radja Nainggolan, waxaana sidoo kale dhankooda ka doonaya oo la la xiriirinayey xiddigan kooxaha Real Madrid, Liverpool iyo Juventus.

Nig

Waxaa Qoray: Haaruun Khasaaro

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close