Anthony Martial oo shaaciyey labada saaxiib ee ay isugu dhow yihiin kooxdiisa Man United, xilli luqaddiisa Ingiriisku horumar samaynayso

(Manchester) 07 Abriil 2016 – Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United iyo xulka qaranka Faransiiska ee Anthony Martial ayaa shaaca ka qaaday labada ciyaaryahan ee kooxdiisa ay saaxiibada dhow ku yihiin, isagoo intaa ku daray in luqaddiisa Ingiriisku ay horumar samaynayso tan iyo markii uu xagaagii hore garoonka Old Trafford kaga soo biiray kooxda AS Monaco ee ka ciyaarta horyaalka France.

Isagoo Anthony Martial 36 Milyan oo gini oo waliba sare u kici karta ugu so biiray Man United ayaa waxa uu xilli ciyaareedkan u dhaliyey kooxdiisa 14 gool tartammada oo dhan, waxaana uu carabka ku dhiftay in Morgan Schneiderlin iyo Marouane Fellaini ay yihiin saaxiibada ay iskugu dhow yihiin kooxdiisa Manchester United.

“Morgan Schneiderlin iyo Marouane Fellaini, markii ugu horraysay waxaan qaatay casharo Ingiriis ah, laakiin sababtoo ah waxaan ciyaaraynay saddexdii maalmoodba, wanan joojiyay, inkastoo ay dhagaysigeeda iyo waqtiga oo dhan ku hadliddu ay soo fiicnaanayso.” ayuu Anthony Martial u sheegay France Football markii ay way diisay saaxiibkiisa ugu fiican ee Manchester United.

Waxa uu sidoo kale sheegay Anthony Martial inuu si fiican u fahmo luuqadda uu ku hadlo tababarihiisa Louis Van Gaal, maadaamo uusan ugu hadlin sida dadka u dhashay luuqadda Ingiriiska waxaana uu yiri: “Xaqiiqadii tababaruhu waxa uu leeyahay lahjad, sidaa daraadeed, isaga waan fahmaa in ka badan inta aan fahmo ciyaartoyda Ingiriiska, waxaanu sidoo kale isku fiicannahay Memphis iyo Adanan Januzaj waana kuwo fiican”.

Martail

Waxaa Qoray: Haaruun Khasaaro

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close