“Yoolkayga ugu wayn waa inaan maalin uun tababare u noqdo Barcelona” – Xavi Hernandez

(Barcelona) 06 Abriil 2016 Halyeeygii kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa banaanka soo dhigay jacaylka uu u qabo inuu maalin uun tababare u noqdo kooxdiisii hore.

Xavi Hernandez oo haatan u ciyaara kooxda Al-sadd ee dalka Qatar ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto garoonka Camp Nou isla markaana uu tababare u noqdo Barcelona.

36 jirka reer Spain oo la hadlay saxaafada ayaa yiri:

“Shaki la’aan waxaan doonayaa inaan ku sii jiro kubadda cagta, waan necbahay inaan fariisto ama istaago xafiisyada, waxaan doonayaa inaan sameeyo wax fiican”.

“Yoolkayga ugu wayn waa inaan maalin uun tababare u noqdo Barcelona, ma awoodo inaan qariyo arinkaas, waxaan doonayaa inaan markale ka shaqeeyo kooxdaan, waa gurigayga”.

“Kubadda cagtu waa noloshayda taasna sir ma ahan, mararka qaar asxaabtayda ayaan raacaa si aan ula ciyaaro kulan baashaal ah gaar ahaan marka uusan jirin tababar iyo kulan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close