Tuchel oo shaki ka muujiyay in Gundogan uu taam u noqon karo kulanka Liverpool

(Dortmund) 06 Abriil 2016 Tababaraha kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka habeen dambe ay marti qaadi doonaan kooxda Liverpool ayaa shaki galiyay taam ahaan shaha Ilkay Gundogan.

Laacib kaan ayaa shalay oo talaado ahayd dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa Dortmund kadib dhaawac uu garoomada ugu maqnaa mudo dhan 4 isbuuc.

Thomas Tuchel ayaa sheegay in waqtiga dheer ee Gundogan uu garoomada  ka maqnaa dartiis aysan u suuro galinayn inuu qayb ka noqdo kulanka Klopp uu dib ugu soo laaban doono gurigiisii hore.

“Dortmund waxaa sugaya laba kulan oo adag, waxaan u baahanahay qaab ciyaareed cajiib ah kulanka lugta hore iyo kulanka lugta dambe”ayuu yiri Tuchel.

Xili uu ka hadlay soo dhawaynta tababarihii hore ee Borussia Jurgen Klopp ayuu yiri:

“Wax aan ka ahayn in Klopp uu helo soo dhawayn kulul waxay ahaan doontaa lama filaan, Jurgen waqti fiican oo guulo wata ayuu ku qaatay halkaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close