Paris Sain-Germain oo indhaha ku haysa Alexis Sanchez xagaaga, una aragta bedelka Zlatan Ibrahimovic

(Paris) 06 Abriil 2016 – Sida ay warinayso Jariiradda AS kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa liiska xiddigaha ay suuqa ka doonayso ku darsatay laacibka Arsenal ee Alexis Sanchez, kaasoo ay u aragto xagaagan bedelka Zlatan Ibrahimovic oo si xor ah kaga dhaqaaqaya naadiga Faransiiska dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Qandaraaska uu kula jiro kooxda Faransiiska ayaa waxa uu ka dhacayaa weeraryahanka joogga dheer ee reer Sweden dhammaadka xilli ciyaareedkan, ma la filayo inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa, iyadoo kooxo badan oo ka dhisan Premier League ay doonayaan inay la soo wareegaan Ibra.

Wararku waxay intaa ku darayaan in tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Laurent Blanc uu taageere u yahay Alexis Sanchez kaasoo ka ciyaari kara booska bidix ee weerarka, isla markaana u ogolaanaysa Edinson Cavani inuu ka ciyaaro booska dhexe ee weerarka.

Waxa uu doonayaa Zlatan Ibrahimovic inuu taariikh kaga tago kooxdiisa xilli ciyaareedkan, isagoo raba inuu PSG caawa ka caawiyo inay tallaabo muhiim ah u qaaddo inay markii ugu horreysay gaaraan afar dhammaadka Champions League, marka ay Manchester City ku soo dhawaynayaan caawa garoonkooda Parc des Princess.

Gunn

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close