HOR DHAC: Wolfsburg V Real Madrid (Zidane oo doonaya inuu kusii joogo jidka guulaha!)

maxresdefault nnnn

(Wolfsburg) 06 Abriil 2016. Real Madrid waxa ay wadi doonta  hamigeeda ah hanashada koobkeeddii 11-naad ee Europe marka ay caawa u martiyaan Wolfsburg.

Kooxda reer Spain waxa ay wareega sideed dhamaadka Champions League soo gaartay lixdii sano ee ugu dambeeysay oo xiriir ah, laakiin Wolfsburg waa markii ugu horeysay.

 

WARARKA LABADA NAADI

Wolfsburg

____ Naldo waxa uu raba in uu dheelo balse wali waxa uu ka soo kabanayaa dhaawac garabka ah. Sebastian Jung isaga lama heli doono.

___ Luis Gustavo isaga waxaa loo badinayaa in uu dib safka ugu soo laabto kulanka caawa.

Real Madrid

Zinedine Zidane may stick with the same team that beat Barcelona in the Clasico on Saturday, which would see Isco and James Rodriguez remain on the bench.

___ Zinedine Zidane waxa uu ku adkeysan karaa isla kooxdii dishay Barcelona kulankii El Classico  taas oo ka dhigan in Isco iyo James ay keydka ku ekaan doonaan.

___ Sergio Ramos kaarka cas ayaa loo taagay kulankii Barcelona laakiin ganaaxaas uma talaabi doono tartan Yurub.

____ Raphael Varane lama uusan safrin kooxda Real Madrid.

 

Sooyaalka

___ Waa markii ugu horeysay ee ay Wolfsburg iyo Real Madrid tartan rasmi ah ku kulmaan.

___ Afar kulan oo ay Wolfsburg la dheeshay kooxaha Spanish-ka ah tartamada yurub waxa la iska dhaliyey 17 gool taas oo ka dhigan ciyaar kasta in afar gool ay dhalaneysay.

___ Wolfsburg bug baxdii ugu dambeeyeysay ee ay ka dheesho koox Spanish ah iyada ayaa rebtay 2009/10 waxa ay ayna ahayd Villarreal.

___ Afartii bug bax ee ugu dambeeysay Real Madrid waxa ay ka gudubtay kooxaha Germany . Borussia Dortmund ayaa ahayd dhinicii ugu dambeeyey oo reeba Los Blancos ololihii 2012-13.

___ Real Madrid waxa ay badisay saddex ka mida afartii kulan ee ay guryahooda kula soo dheesho kooxaha Germany  iyada oo soo dhalisay 12 gool, la soco 24-kii ka horeeyey hal mar ayey ku soo badisay.

___ Wolfsburg wey soo badisay afartii kulan ee ugu dambeeyey Champions League, waana markii ugu wacnaa tartanka. Hada Real Madrid oo kaliya ayaa ka badis taxane badan.

___ Wolfsburg markii ugu horeyey ayey joogta wareega sideed dhamaadka Champions League taariikhda.

___ Wolfsburg waxa ay lumisay hal kulan oo qura toddobaadii ugu dambeeyey Champions League iyada oo gurigeeda joogta, waxa ay ahayd Manchester United bishii December 2009 – natiijo ku dhamaatay 1-3.

 

SAFAFKA LA FILI KARO

Wolfsburg: Benaglio; Trasch, Knoche, Dante, Rodriguez; Gustavo, Guilavogui; Vieirinha, Draxler, Schurrle; Kruse

Real Madrid: Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Kroos, Modric, Casemiro; Ronaldo, Benzema, Bale

 

Gegida: VOLKSWAGEN ARENA

Saacadda Geeska Africa: 9: 45pm

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close