Gerard Pique oo cadeeyay farqiga u dhexeeya Ferguson iyo Pep Guardiola!

(Barcelona) 06 Abriil 2016 Daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa ka warbixiyay farqiga u dhexeeya labadii tababare ee isaga horay u soo layliyay gaar ahaan Ferguson iyo Guardiola.

Gerard Pique ayaa daaha ka qaaday in Guardiola iyo Ferguson ay ka midyihiin tababarayaasha ugu fiican aduunka laakiin wuxuu xusay inay jiraan waxyaabo ay ku kala duwanyihiin.

Pique oo horay ugu soo ciyaaray Man United ayaa yiri:

“Markii aan ahaa laacib ka tirsan Man United Ferguson wuxuu ahaa tababaraha kooxda mudo dhan 20 sano, tababarka wuxuu u xilsaaran jiray caawiyihiisa, sidaas oo ay tahay wuxuu ahaa qof xakameeya wax waxlba oo ku saabsan gudaha kooxda”.

“Laakiin Guardiola wuxuu ahaa tababare dhalin yar kaas oo markaas qaaday tilaabtiisii ugu horaysay ee shaqada tababarenimo, si xoogan ayuuna diirada u saari jiray tababar walba”.

“Waxaa jira farqiyo badan oo u dhexeeya labadooda, laakiin labadooduba waxay ahaayeen tababareyaal cajiib ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close