CL: WOLF VS REAL 2-0…PSG VS MAN C 2-2…Real oo la rukhuusay & PSG oo baytkeeda lagu barbarreeyay! + Sawirro

(Wolfsburg) 06 Abriil 2016 – Kooxda Real Madrid ayaa guuldarro la yaab leh kala kulantay kooxda yar ee Wolfsburg oo 2-0 kaga adkaatay kulan ku qabsoomay Volkswagen Arena.

Kooxda Real Madrid oo ay weli fareheeda kasii qoyaneyd guushii macaanayd ee El Classico ayaa loo badinayay inay kalsoonidaa kaga faa’iideeysan doonto Champions League, yeelkeede waxay noqotay la mood noqon waa ah.

Kooxda reer Bundesliga waxaa goolasha u kala dhaliyey Ricardo Rodriguez oo uu goolkiisu rigoore ahaa iyo Maximilian Arnold oo midka 2-aad dhaliyey.

Dhanka kale, kooxda Man City ayaa baytkeeda ugu babac dhigtay kooxda reer Paris ee PSG oo barbarro 2-2 ah ku kala bexeen.

Kooxda City oo sanadihii dambe waloow ay malaayiin farraqday misna ku fashilantay inay xitaa soo dhaafto guruubyada ayaa haatan waxaa ku filan inay barbarro 1-1 ama 0-0 ah xitaa ugusoo baxdo afar-dhamaadka Champions League todobaad uun kadib marka lagu kulmo Manchester.

Kooxda Paris St Germain oo daqiiqaddii 14-aad uu rigoore ka cunay Zlatan Ibrahimovic ayaa goolka 1-aad waxaa uga naxsaday laacibka Kevin De Bruyne, waxaase khalad ay galay Fernando ku barbarreeyey isla Ibra.

Kaambiyadii dambe ayayna sidoo kale labada kooxi min gool kala ansixiyeen waxaana u kala saxiixay Adrien Rabiot iyo Fernandinho oo mar kale Citizens ciyaarta ka daba geeyey.

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b8 b9 b10 b11 b12 b13 b14 b15 b16 b17 b18 b19 b20 b21 b22 b23 b24 b25 b27

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close