Arsenal waxa ay dhigtay rikoor ugub ah (Akhri oo ogow)

Arsenal-main_2783799a

(London) 06 Febraayo 2016. WAXAA LA SHAACIYEY IN Gunners 27 jeer shaashada laga daawaday……Ogow inta mar ee kooxdaada dhalada lagu arkay

Is araga Arsenal iyo Manchester City ee dhici doona xilliga xasaasiga ah ee Premier League-ga ayaa dhigi doona rikoor cusub.

Waxa uu si la yaab leh ku noqon doona markii 27-aad ee 38-da kulan Gunners si TOOS ah loo daawaay –  waana tan ugu badan ololahan.

Dhinaca Arsene Wenger waxa ay si wanaagsan ku bilaabeen xuquuqda ay TV-yada ka heleen, iyada oo curyaamada taageera ay awood u heleen daawada afarii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedkan.

Waa u farxad jamaahiirta Arsenal maxaa yeelay shanta kulan ee ka horeya Man City ee ay la dheeli doonaan West Ham, Crystal Palace, West Brom, Sunderland iyo  Norwich dhamaan TOOS ayaa looga daawan doona Sky Sports ama BT Sport.

Ma dooneysa in aad ogaato kooxdaada iyo xuquuqda Tv-yada, fiiri liiska hoose.

CARRAGHER-main_2783877a

Iyada oo jirto raja yar oo ay Arsenal horyaalka uga qaadi karto Tottenham iyo Leicester, waa wax lala yaabo qiimaha ay kooxda waqooyiga London ku hesho xuquuqda Telefishinada.

Gaar ahaan marka la bar bar dhigo kooxda labaad ee aadka loo xiiseeyo hadana la ordeysa Premier League Leicster.

Dawacooyinka saadasha oo dhan wey beeniyeen waxa ayna 7 dhibcood ku hayaan hogaanka, 15 jeer oo kaliya ayaa si TOOS ah loo daawaday.

Hal kulan oo qura ayaa 13-kii ugu horeeyey loo xushay in TOOS loo baahiyo, laakiin tan iyo markii bandhigyadooda indhaha bulshada qabteen, 14 ka mida 24-kii ugu dambeeyey waa la daawaday.

 

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close