Wiilka soo baxay ee  Anthony Martial oo markii ugu horreysay ka hadlay sheekada Jose Mourinho la xiriirineysa xilka Man United!

(Manchester) 05 Abriil 2016. Tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho ayaa si xoogan lala xiriirnayay xilka tababaranimo ee Man United kaddib xilli ciyaareed adag ee kooxda soo maray.

Tababaraha iminka ee Red Devils Louis van Gaal ayaa qiray inay shaqadiisa ay cadaadis saaran tahay haddii ay ku guul darreystaan inay u soo baxaan Champions League.

Hayeeshee natiijooyinkaa ayaa soo wacanaanayay usbuucyadii dhawaa iyadoo Martial uu door fiican ka ciyaaray isla markaana kor u qaaday goolashiisa 13-gool 40-kulan.

Weeraryahanka reer Faransa ayaa ka hadlay suuro galnimada uu Mourinho ku imaanayo Old Trafford, laakiin ku ammaanay Van Gaal hogaankiisa.

“Ilaa iyo inta uu joogo tababaraha iminka, kama fikirayo arrinka Jose,” Martial ayaa sidaa u sheegay jariiradda ka soo baxda Faransiiska ee France Football.

“Haddii ay tahay inuu yimaado Jose, wuu iman doonaa….. Iminka tababaraha ayaa weli jooga.

“Tababare kasta wuxuu leeyahay dhankiisa san iyo dhankiisa xun. Van gaal wuxuu i siiyay kalsoni badan  waxaana si adag isugu dayi doonaa inaan u abaal guda maalin kasta.

martial

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close