RUMEYSO AMA HA RUMEYSAN: Hogaamiyayaasha Premier League giddigood waxay ku kacayaan kala bar qiimaha Raheem Sterling

STERLING-main_2781296a (1)

(London) 05 Abriil 2016. Wey adag tahay in la aamino jiritaanka qof saadaaliyey qaabka uu u yaal jadwalka kala sareynta ee Premier League –  Leicester City oo xilligan hor boodeysa horyaalka lix kulan kaddibna loo caleemo saari karo!

Balse arinka la yaabka leh ayaa ah in majalada Sunsport ay daabacday xog maan daalis ah! Safka sidaas sameeyey marka la isku daro dhamaan inta ay ku kacayaan qiime ahaan! kala bar waxaa ka badan inta lagu soo iibsaday Raheem Sterling oo garabka uga dheela Manchester City!

Hadaba yaa ugu qaalisan Leicester City oo imisa ayuu ku kacayaa? Dhinaca kale waa sidee xaalkooda?

Shinji Okazaki waa xiddiga ugu qaalisan dawacooyinka waxa uuna ku fadhiyaa aduun dhan£7m halka wiilka asal ahaan ka soo jeeda Jamaica uu ku kacay xagaagii tagay si uu Liverpool uga soo badasho qiime gaaraya  £44m, lacag mustaqbalka isku badali karta £49m!

HADABA BAL EEG SHAXDAN LA ISKU GARAB DHIGAY LABADA SAF IYO QIIMAHA AY KU FADHIYAAN!

CITY-V-STERLING-mo_2781279a

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close