HOR DHAC: Barcelona V Atletico Madrid (Yaa caawa kawaanka la saari doona?)

 

(Catalonia) 05 Abriil 2016. Barcelona oo difaacaneysa Champions League ayaa dadaal u gali doonta sidii ay ku noqon lahayd dhincii ugu horeeyey ee tartanka laba olole oo taxane ah qaada kolka ay caawa ku qaabisho Camp Nou Atletico Madrid.

Labada koox waxa hardanka maxaliga ah ku kala qeybiyaha lix dhibcood oo ay sareyso Catalans oo hogaanka u haysa La Liga.

 

 WARARKA LABADA NAADI

 

Barcelona

___ Gerard Pique oo ganaacx ku seegay lugtii labaad ee wareega 16-ka Champions League oo ay la dheleen Arsenal ayaa hada u fasaxan in uu ka hor yimaado Atletico.

___ Adriano iyo  Jeremy Mathieu iyaga uma muuqdaan kuwo ka hor iman doona Atletico caawa walow ay gadaal wax iska badali karaan.

Atletico Madrid

___ Atletico Madrid waxaa ka maqnaan doona Tiago waxa ayna la tacaalayaan taam ahaanshaha Gimenez. Godin wuu ku guuleystay tijaabo la mar siiyey kaddib markii uu muruqa booday kulankii PSV.

___ Fernando Torres waxa uu sameeyey toddobaadkii tagay in ku filan oo uu safka caawa ku mudan karo waxa uuna la midoobi karaa dhinaca duulaanka Antoine Griezmann.

 

SOOYAALKA

___ Barcelona ayaa adkaatay lixdii kulan ee isugu dambeeyesay labadooda dhamaan tartamada. Mid toddobaad waxa uu noqon doona rikoor cusub oo is aragyadooda ah.

___ Marka qura ee ay Barcelona shabaqa ka ilaashahatay koox Spain ah oo ay ku kulmaan Yurub waxa ay ahayd bishii April 2011 xilligaas oo ay Santiago Bernabeu ku soo garaaceen 2-0.

___ Atletico wax ka badan gool ma aysan dhalin sideed jeer oo ay dhinac Spanish ah ku qaabileen Yurub.

___ Is aragii labada dhinac ee sideed dhamaadka Champions League 2014 ayaa ah marka qura ay Barcelona ku hartay halkaas oo kale sideedii sano ee ugu dambeeyesy.

___ Luis Enrique  ragiisa ma aha kuwo dhinacooda dhulka la dhigay ololahan Champions League waxa uuna badiyey 10  uu ku ciyaaray Camp Nou tartankan.

 

SAFAFKA LA FILI KARO

Barcelona :Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

Atletico :Oblak; Juanfran, Monslave, Gimenez, Luis; Gabi, Fernandez, Saul, Koke; Griezmann, Torres

 

Gegida: Camp Nou

Saacadda Geeska Africa: 9: 45pm

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close