Garsoorayaasha ugu fiican Soomaaliya oo qaban doona cayaarta ugu adag ee bug baxa tartanka Champions League-ka Africa+SAWIRRO

11999070_1262923397057667_4500876999103560969_n

( Kinshasa)06 Abriil 2016.Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka amba baxay afar kamid ah Garsoorayaasheena Soomaaliyeed kuwaasi oo la dhihi karo waa kuwii ugu wanaagsanaa Geeska Africa waxaana xiriirka kubadda cagta ee Africa CAF usoo xusheen in ay dhexdhexaadiyaan cayaarta ugu adag ee wareega sideed dhamaadka tartanka Champions League qaarada Africa.

Garsoorayaasha kulankaasi loo soo xulay oo ay xiriirka CAF warqada usoo direen ayaa waxaa ay kala yihiin

1:Xasan Aadab Xaaji Yabarow(Wiish) :Waa garsooraha dhexda qaban doona

2:Xamza Xaaji Cabdi  :Waa calan walaha koowaad

3:Sulaymaan Sh Bashiir Cabdi: Waa Calan walaha labaad

4;Xasan Maxamed Xaaji:Garsooraha afaraad ee Kaydka.

Ciyaartan oo u dhexaysa labada kooxood ee kale ah Mamelodi Sundowns oo ah kooxda haysta horyaalka Koonfur Africa iyo AS Vita Club oo ka dhisan DR Congo waana lugta koowaad ee ee bug baxa  CAF Champions League.

Lugta koowaad ee kulankan CAF Champions League ayaa waxaa la dheeli doonaa April 10 -04-2016 Maalinta axad ah hadii uu eebe idmo.

Sikastaba garsoorayaasheena Soomaaliyeed ayaa aad loo soo amaanaa marka ay ciyaaraha dibada soo qabtaan waana tan ay xiriirka CAF mar kasta casuumaad ugu soo fidiyaan.

W/D:Cabdullaahi Xasan Baliil

13249_1549769115310709_2427245158176608414_n 1013324_834144123268932_1536598805_n 1538925_1261336523883021_4346568165264835379_n 10440225_1549768845310736_9033483216013842932_n 11169866_1184504574899550_6396482871545683484_n (1) 11203103_1570649816555972_6590007331709679554_n 11203135_1184504534899554_8808076981989920962_n 11204885_1184504618232879_3163485295534814427_n 11223804_1615994745354812_1616633078312095535_n 11999070_1262923397057667_4500876999103560969_n vita

default path_2261

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close