“Farriinteyda ku aadan taageerayaasha Chelsea.”. Alexandre Pato

(London) 05 Maarso 2016. Wiilka reer Brazil ayaa amaah uga yimid kooxda Corinthians bishii Janaayo wuxuuna la’aa taam ahaansho kulamada isagoona ciyaarin tan iyo bishii November.

Laakiin wuxuu ugu dambeyn helay kulankiisii ugu horeeyay ee Chelea sabtidii ciyaartii ay ku wajaheen Aston Villa, wuxuu ka yimid kursiga keydka xilli hore si uu u badelo Loic Remy oo dhaawac ku baxay.

Wuxuuna sameeyay saameyn deg deg ah isagoo kooxda Guus Hiddink u dhaliyay rigoore kana dhigay ciyaarta 2-0 kulankii ay 4-0 ku adkaadeen.

Pato ayaa taageerayaasha Blues uga mahad celiyay taageeradooda joogtada ah isagoo sidoo kale u mahad celiyay Cesc Fabregas maadaama uu u ogolaaday inuu tuuro rigoorada.

“Aad ayaan u yaabay maxaa yeelay tababaraha wuxuu yiri: ‘Pato gal garoonka,’” sidaa ayuu u sheegay Chelsea TV.

“Gool ayaan dhaliyay saaxiibadeyda kooxdana way guuleysteen waxay ahayd maalinkii ugu wacnaa, aad ayaan u faraxsanahay, maalinku aad buu u fiicnaa.

“Maalin kasta ayaan shaqeynayay tan iyo sidii aan u imi halkan maskax ahaana waan xooganahay. Waxaan u baahanahay inaan tababar badan sameeyo laakiin diyaar baan u ahay.

“Markii aan helay rigoorada waxaan waydiistay Cesc haddii aan anigu tuuri karo wuxuuna yiri, ‘Okey, waad laadi kartaa.’

“Aad baad u mahadsan tahay Cesc maxaa yeelay aad ayay muhiim u ahayd wixii uu ii sameeyay.

“Kaddib saddex sano  waxaan dib ugu soo laabtay Yurub Chelsea waxay i siisay fursad cusub. Waxaan kaloo doonayaa inaan u mahad celiyo taageerayaasha Chelsea.

“Marka aad u ciyaareyso koox wayn kulankastaa waa muhiim. Ciyaaryahan kasta wuxuu leeyahay maskaxdaa.”.

pato

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close