CL: BAR VS ATL 2-1…BAY VS BEN 1-0…Barca & Bayern oo dirqi ku baxsaday + Sawirro

(Barcelona) 05 Abriil 2016 – Barcelona ayaa lugta 1-aad ee rubuc dhamaadka Champions League 2-1 ku duugtey kooxda Atletico Madrid oo gurigeeda ugu marti ahayd.

Kooxdaas Atletico oo goolka iyadu ku horreeysay ayaa waxaa daqiiqaddii 25-aad u ansixiyey Fernando Torres oo 10 daqiiqo kadibna garoonka laga cayriyey.

Yeelkeede, Barca oo ka faa’iideeysanaya naaquska dhanka tirada ee ku dhacay Atleti ayaa daqiiqaddii 63-aad barbarraha heshay iyadoo uu u dhaliyey Luis Suarez, oo laftiisu roose ku istaahiley laad uu ku dhuftay Juanfran – wuxuu ku taabtay kubad dhowayd. Isagoo daqiiqaddii 74-aad kubad madax ahayd ugu labeeyay kooxdiisa oo markeeda laga sugayo magaalada Madrid oo martigelinaysa lugta 2-aad.

Kulan kale, kooxda Bayern Munich ayaa 1-0 uga badisay kooxda Benfica, waxaana goolka isla daqiiqaddii 2-aadba ugu qaaraamay raace-dhise Arturo Vidal.

Waxaana Bayern lugta 2-aad laga sugayaa dalkaasi Portugal oo ay ka soo safartay kooxda Benfica.

s s1 s3 s4 s5 s7 s8 s9 s10 s11 s13 s14 s17 s19 s20 s21 s22 s23 s24 s25 s26 s27

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close