XOG: Higuain oo 4 kulan garoomada laga mamnuuci doono! + Sawirro (War nuxuusinaya niyadda Napoli)

(Roma) 04 Abriil 2016 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qannaska SSC Napoli ee Gonzalo Higuain gorodda loo suri doono ganaax 4 kulan ah kaddib markii uu roose ka qaatay kulankii Udinese.

Qannaaska reer Argentina ayaa roosaha la tusay kulankii ay kooxdiisa 3-1 ku dubatey kooxda Udinese, waxaana muuqatey inuu riixatey garsooraha Massimiliano Irrati, kahor intii aysan jiidin laacibiinta kooxdiisu-

Sida uu dhigayo Gazzetta dello Sport, Irrati ayaan warbixintiisa ku sheegin fal gacan ka hadal ah, balse wuxuu ku xusay inay jirtey ”riixid fudud”, iyadoo la sheegayo in haddii uusan dhihi lahayn waa ”riixid fudud” uu Higuain 10 kulan seegi lahaa.

4 kulan ee ganaaxa ah ee laga yaabo in lagu rido ayaa loo kala jarjaray sidatan: hal kulan waa roosaha qallalan, 2 waa aflagaadadii, midina waa riixidda garsoore Irrai.

Haddii uu ganaaxani xaqiiqoobo wuxuu Higuain seegi doonaa kulamada Verona, Inter, Bologna iyo Roma.

Waxaa dheer, in macallin Maurizio Sarri la filayo in hal kulan laga ganaaxo, kaddib markii uu garoorayaasha ku yiri “waar isku xishooda”, taasoo tarabuunka lagu saaray markiiba.

ss1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close