RASMI: Conte oo ku biiray Chelsea, faahfaahinta heshiiskiisa iyo wixii uu ka yiri

(London) 04 Abriil 2016. Antonio Conte hada waa tababaraha cusub ee Chelsea, kooxda ayaa xaqiijisay, taas oo soo gaba gabeeneysa bilooyin badan oo wararkiisa la isla dhex maray isaga oo heshiis qalinka ku duugay maanta (Isniin).

46 jirka waxa uu saxiixay qandaraas saddex sano ah laakiin jagada ma qaban doono ilaa iyo dhamaadka Euro 2016 –  tartanka ka dhacaya France ayuu doonayaa in uu Azzurri u horseedo hanashadda koobka qaramada Yurub.

Cheslea waxa ay dooneysay qof badal u noqda Jose Mourinho oo ay shaqada ka eriday bishii December ee sanadkii hore waxaana xilka si KMG ah loogu dhiibay Guus Hiddink.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay  la shaqeynta Chelsea,” ayuu Conte u sheegay Website-ka rasmiga ah ee kooxda. “Aad ayaan ugu riyaaq sanahay ahaanshaha macalinka xulka dalkeyga, kaalin ahaan waxaa aad u xiiso badan in tan Chelsea oo kale ay ku xigto.

“Waxaan sugayaa  la kulanka qof waliba, caqabadaha maalin laha ah iyo loolan u galida Premier League.

“Chelsea iyo kubadda cagta Ingiriiska  meel waliba oo aad tako waa laga daawadaa, jamaahiirta waa kuwo muxubeysan hadafkeyguna waa in aan gaaro guul dheeri ah oo aan daba dhigo ku weygii Italy.

“Waan ku faraxsanahay in aan hada ku dhawaaqista sameenay si wax waliba ay u cadaadaan loona dhameeyo wararka la isla dhex marayey.  Waxaan hada diirada saari doona shaqadeyda xulka qaranka waxaana u keydin doono ka hadalka Chelsea ilaa iyo gaba gabada Euro-da.”

Blues wali Premier League dhulka lama dhigin tan iyo markii uu Guus Hiddink xilka la wareegay – 15-ka kulan ee taxanaha ah waa inta ugu badan ee aan koox laga badin horyaalka ololahan walina waxa ay leeyihiin rajo yar oo ah u soo bixida tartamada Europe.

Suurtagalnimada ah in aysan jiri doonin ka qeb qaadashada tartamada Europe ma celin Conte waxa uuna loolanka shaqada uga adkaaday tababarihii xulka Chile u qaaday Copa America xagaagii tagay ee Jorge Sampaoli.

Conte waxa uu England la imanayaa sooyaal aad u balaaran, waxa uu ku guuleystay saddex Scudetto oo xiriiri ah sanadihii u dhexeeyey 2011 ilaa 2014 isaga oo Juventus ka caawiyey in ay noqoto quwada Italy oo ay ilaa hada mudooyinkan dambe ku naalooneyso.

Tartamada xaaladiisa ma aha mid xun, hase yeshe, waxa uu lumiyey Coppa Italia oo ay ka qaaday Napoli halka uusan wareega sideed dhamaadka Champions League ka talaabin –  xitaa waxa uu ku soo haray heerka Group-yadda xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey marwada duqda ah.

Kaddib markii uu xilka tababare ee Italy ka badalay Cesare Prandelli laba sano kahor, Conte waxa uu Azzurri u soo bixiyey Euro 2016 isaga oo aan laga badin  kulamadii is reeb reebka walow uu xilka iska casili doono marka uu tartanka France dhamaado.

Antonio-Conte-641542

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close