Antonio Conte oo noqday tababarihii shanaad ee Talyaani ah oo hoggaanka u qabta kooxda Chelsea

(London) 04 Abriil 2016 – Goor sii horreysay Antonio Conte ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee Chelsea, sida ay kooxdu xaqiijisay, waxaana tababaraha Talyaaniga uu soo gabagabeeyay dhowr bilood oo l ala xiriirinayay shaqada kooxda, isagoo ugu dambeyn qalinka ku duugay maanta heshiis cusub markii uu soo gaaray magaalada London.

46-sano jirkaan ayaa saxiixay heshiis saddex sanadood ah, laakiin ma qaban doono kooxda ilaa iyo dhammaadka Koobka Qaramada Yurub ee France ka dhacaya xagaaga, isagoo koobkaas ku hoggaamin doona xulka qaranka Talyaaniga.

Cheslea waxa ay doonaysay macallin bedel u noqda Jose Mourinho oo ay shaqada ka cayrisay bishii December ee sanadkii hore, waxaana si ku meel gaar ah xilkaas loogu dhiibay Guus Hiddink.

Antonio Conte waxa uu sidaas ku noqday tababadihii shanaad ee hoggaanka u qabta kooxda ka dheesha Premier League ee Chelsea, kaddib tababarayaashii reer Talyaani ee Vialli, Ranieri, Ancelotti iyo Di Matteo.

Conte

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close