“Aad ha u riyoonina,” Wenger oo u digay Arsenal

(London) 04 Abriil 2016. Arsene Wenger waxa uu u jeediyey Arsenal digniin ah in ay waaqici noqdeen oo aysan  aad  u “Riyoon” kaddib markii ay 4-0 uga badiyeen Watford.

Gunners waxa ay haatan ku jiraan kaalinta saddexaad iyaga oo 9 dhibcood ku hooseeya Leicester City oo haysa hogaanka horyaalka, waana guushii labaad oo ay si taxane ah u gaaraan.

Wenger waxa uu ku adkeystay in aysan caqli ahayn la imaanshaha YOOL xillign gaba gabada ah waxa uuna ku baaqay in ay diirada saaraan kulamada haray.

“Waa in aan ahaanaa waaqici oo aan u diyaar garowno kulanka xiga balse aynaan aad u riyoon,” ayuu u sheegay wariyeyaasha. “Marka aan  dhoho aan waaqici ahaano waa in aan gadaal fiirinaa, garbeheena.

“Manchester City, Manchester United iyo West Ham ayaa na eryanaya. Aan fiirino garbeheena anaga oo eryaneena kuwa naga horeeya hadii aan awoodno.

“In aad hesho kooxda is fahanta xilliga saxdda ah, mararka qaar ololahan oo dhan wanaaga ayaad wada heshaa.

“Waxaan qabaa in aan u baahanahay ku guuleysiga kulamadeena deedna aan aragno waxa dhaca. Aad ayey u adag tahay in wax intaa ka badan aan sheegno. Hada hal hadaf ayaan leenahay.”

Marka taas laga yimaad Wenger waxa uu aaminsan yahay in uu haysto ciyaaryahano qaan gaar ah kuwaas oo la tacaali kara cadaadiska ka imanaya gaba gabada ololaha.

“Waxaan aamin sanahay in kooxdan ay leedahay maskaxiyadda saxda ah,” ayuu intaa ku daray ninka reer France. “Kooxo badan ayaa  I soo maray nolosheyda kooxdana waa tayo aad u saresa.

“Waqti xun ayey ka soo gudbeen laakiin marka ay sidaas u ciyaaraan, waxa ay muujineysaa maskixiyad, aad mid dabiici ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close