”Waan ku kobeyn doonaa Messi!!!” – Masar oo Messi ku kacsan! (Maxaa dhacay?)

(Qaahira) 03 Maarso 2016 – Lionel Messi ayaa dood ka dhaliyey dalka Masar kadib markii uu kabihiisa ugu deeqay khayriyad Masri ah, mar uu kasoo muuqday bandhig la yiraahdo ‘Yes, I am Famous’, oo lagasii daayo MBC Masr Channel.

Yeelkeede, waxaa ka daba qaatay siyaasi Masri ah oo la yiraahdo Said Hasasin, oo si caro leh uga jawaabey deeqda Messi.

“Weligeen sidan oo kale nalooma ihaaneysanin intii lagu jirey ilbaxnimadeenna soo taxneeyd 7-da kun ee sano. Waan ku kabeeyn doonaa, Messi.” ayuu yiri Hasasin isagoo aad u careeysan.

“Tani waa kabteeyda waxaana ugu deeqayaa Argentina.” ayuu raaciyey.

Ninkan siyaasiga ah ee Hasasin oo bandhig uu isagu leeyahay oo u muuqdey mid aflgaaddo isu rogey ayaa deeto wacay afhayeenka FA-ga Masar, Azmy Megahed, kaasoo isna aad u dhaliilay Messi. “Dadkeenna fakhriga ihi uma baahna isaga,” ayuu yiri afhayeenku.

“Haddii uu ula jeedey inuu na bahdilo, waxaan dhihi lahaa kabaha madaxaaga saaro ama madaxa ka saar kuwa ku taageera. Kabahaaga sii dalkaaga, Argentina waa fakhri miiran.” ayuu raaciyay.

Messi ayaase taageero ka helay laacibka reer Masar ee Axmed Middo oo yiri: ”Waxa ugu qiime badan qoraagu waa qalinkiisa, laacibkana waa kabahiisa.

Mona El-Sharkawy, oo ah gabadha qabata bandhigga ‘Yes, I’m Famous’ oo kabaha ka guddoontey Messi ayaa lafteedu sheegtay inay la yaabtay meesha arrinta la geeyey iyadoo sheegtay in ka qayb galayaashii barnaamijka oo idil hadiyado la waydiistey.

“Waxani waa been,” ayay ku tiri Marca. “Bandhigeenna waxaannu dadka martida ah ka codsannaa waxyaabo qaali ah, kuwaasoo aan hadhoow xaraashno si aan ugu tabarucno khayriyad.”

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close