Jose Mourinho oo daaha laga rogay sababta ay Man United weli u shaacin la’dahay magacaabisteeda

(Manchester) 03 Abriil 2016. Jose Mourinho ayaa shaqo la’aan ah tan iyo sidii looga soo ceyriyay kooxda Chelsea bishii December.

Macallinka reer Portugal ayaa aad u doonaya inuu dib ugu soo laabto shaqada tababaranimo iyadoo uuna doorbidayo howsha Old Trafford.

Waxaa jiray warar aad u baahay oo tibaaxaya in Mourinho uu heshiis hordhac ah la galay Red Devils si uu xagaga xilka tababaranimo ugala wareego Louis van Gaal, laakiin kooxdu weli wax rasmi ah ma ay shaacin.

Sida uu sheegayo Radio-ga Spain ee Cadena Cope in milkiilayaasha kooxda reer England ay yihiin kuwa hortaagan in heshiiskan la saxiixo, qaar ka mid ah xubnaha sare ee Man United aya la fahansan yahay inay shaki galinayaan in la shaqo galiyo macallinkii hore ee Blues.

Wararka ayaa intaa ku daraya in heshiis afka ah la isla meel dhigay laakiin uu Jose Mourinho sugayo ogolaanshaha qoyska leh milkiyadda kooxdan.

Madaxa fulinta ee Ed Woodward, kaa oo leh go’aanka ugu dambeeya ee in la shaqo galiyo Jose iyo inkale ayaa la duuban Van Gaal.

Warar ayaana soo jeedinaya in Woodward uu kol horeyba ka shaqeynayo qorshaha xagaaga ee kooxda isla markaana uu si aad u dhow ula shaqeynayo macallinka reer Holland si uu u dhiso meelaha ay Man United u baahan tahay in laga xoojiyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Van Gaal ayaa waxaa weli u harsan hal sano heshiiska uu ku joogo Masraxa Riyada wuxuuna ku adkeysanayaa inuu sii heyn doono xilka xilli ciyaareedka soo socda.

jooose

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close