Muxuu Luis Enrique ka yiri guul daraddii El Classico ee xalay soo gaartay Barca?)

(Catalnia) 03 Abril 2016. Tababaraha Barcelona Luis Enrique waxa uu diiday la imaanshaha mar mar siiyo kaddib markii 1-2 guul daro ah uu El Classico kala kulmay Real Madrid isaga oo jooga Camp Nou habeenkii sabtida.

Goolkii uu Gerard Pique ku daah furay El Classico waxaa baa bi’yey Karim Benzema kahor inta uusan Cristiano Ronaldo guusha gacanta u galin Real Madrid wax yar kaddib kolkij Sergio Ramos kaarka cas looga saaray dheesha.

Saddexdda libaax ee Catalans , Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar saameyn kuma aysan yeelan kulankan, laakiin Luis Enrique ma dooneyn in uu arintaas edeeda dusha uga rido waajibaadyadii qaran ee ay ka soo qeyb qaateen.

“Ma rabo in aan mar mar siiyo marka aysan natiijada wanaagsaneyn,” ayuu Luis Enrique u sheegay wariyeyaasha  kaddib kulankan. “Waxaan haysanaa ciyaryahanadda dunida ugu wanaagsan waana waajib in ay aadaan kulamadda caalamiga ah.

“Waan ku faraxsanahay niyadda ciyaaryahanadeyda. Wan badin karnay kulanka, ama bar bar dhac ayeynu gali karnay, laakiin waxaanu ahayn kooxdii dhaq dhaqaaqa fiicneyd. Runtii kuma faraxsani natiijada.

“Laakiin waxa nagu dhacay waxaa wax kulan kasta ka dhaca.

“Anaga ayaa mamaulka haynay laakiin waxaan dhibtoonay 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyey kulankan. Wey xanuun badan tahay in aan ku guul dareysano  Camp Nou, laakiin guul daradda maalin uun ayey dhici lahayd.

“Axwaasha sidii la filayey ma aysan noqon laakiin waxaan ka dheelnay koox tayo leh. Waxaan  haysanay kubadda inta badan anaga oo abuurnay fursado badan. Laakiin waxa ay naga yaabiyeen 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeysay laakiin tani waa kubad cag.

“Hada waa in aan hore uga socono oo aan u diyaar garowno Champions League aan ka hor imaan doono Atletico.”

Barceona waxa ay Camp Nou ku soo dhoweyn doonta Atletico Madrid salaasadda lugta hore ee Champions League wareegiisa 8-da.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close