L’Equipe oo amaantay Zinedine Zidane kadib guushiisii ugu horaysay ee uu ka gaaray Barcelona!

(Madrid) 03 Abriil 2016 Wargayska ka soo baxa France ee L’Equipe ayaa boggiisa hore soo saaray sawirka tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane kadib guushii kooxdiisu ay ka gaartay xalay dhigeeda Barcelona.

Mustaqbalka Zinedine Zidane ayaa shaki wayn lagalinayay ka hor kulanka laakiin Ronaldo ayaa beeniyay wararkii ahaa in Barca aan laga adkaan karin.

L’Equipe ayaa soo saartay bogeeda hore ee cadadkeedii saaka sawirka Zinedine Zidane waxayna ku soo qoreen “Super Zidane”.

Tababarayaashii ugu danbeeyay ee layliya Real Madrid guul daro ayeey ku bilaabanayeen kulankooda ugu horeeya ee El-clasico laakiin Zinedine Zidane ayaa beeniyay taas kadib markii uu guul ku hogaamiyay kooxda kulankiisii ugu horeeyay ee El-clasico isaga oo tababare ah.

Guushii xalay ayaa ka dhigan in Real ay soo yaraysay farqiga dhibcaha ee looga haayo hoganka iyaga oo ka dhigay 7 dhibic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close