Jose Mourinho oo dalab yaab leh kala kulmaya dalka ay dagaalada ka socdaan ee Syria…(AQRI DALAB RASMI OO LOO SOO GUDBIYAY)

(Syria) 03 Abriil 2016. Macallinkii hore ee Chelsea Jose Mouirnho ayaa loo soo bandhigay inuu dib ugu soo laabto shaqada tababaranimo waxaase la arkaa dalabka loo soo gudbiyay inuusan ahayn kii uu doonayay.

Tababaraha reer Portugal ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo sidii looga soo ceriyay Blues bishii December 2015 iyadoo ay Chelsea sameysay bilow xun xilli ciyaareedka, waxayna la dhibtooneysay sagaal guul darro 16-kii kulan ee ugu horreyay  kal ciyaareedkan.

Mourinho ayaa lala xiriirinayay xilka Manchester United tan iyo sidii loo tusay albaabka Stamford Bridge, inkastoo warsidaha Goal uu fahansan yahay in Re Devlis ay sii ceshan doonto Louis van Gaal inkastoo ay jirtay xilli ciyaareeka niyad jabka leh.

Laakiin waxay iminka u muuqataa inuu miiska u saaran yahay dalab meel kale ka yimid, sikastaba xiriirka kubbada cagta Syria ayaa soo bandhigay codsi ay u direen wakiilka Jose ay ugu casuumayaan inuu qabto xilka xulka qaranka dalka uu ka socdo dagaalada daba dheeraaday.

“Kaddib kulan ay yeesheen madaxwaynaha kubbada cagta Syria Salahuddin Ramadan, madaxwayne ku xigeenka, agaasimaha kooxda koowaad Fadi Dabbas iyo xoghayaha guud ee xiriira kubbada cagta Syria Qutaiba al-Rifaiit, waxaa la isku raacay in dalab rasmi ah loo diro wakiilka tababaraha Jose Mourinho si uu tababar u siiyo xuulka qaranka Syria.”. Sidaa ayaa lagu soo bandhigay bogga rasmiga ah ee Facebook-gooda.

joos

FILE -In this Tuesday, Oct. 20, 2015 file photo, Chelsea manager Jose Mourinho reacts before the Champions League Group G soccer match between Dynamo Kiev and Chelsea FC in Kiev, Ukraine. Mourinho has left Chelsea with the club languishing one point above the relegation zone just seven months after winning the Premier League title, it was reported on Thursday, Dec. 17, 2015. (AP Photo/Sergei Chuzavkov, File)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close