Cesare Maldini oo xalay geeriyoodey! (Akhri waayihiisa)

(Milano) 03 Maarso 2016 – Daafacii iyo macallinkii hore ee AC Milan iyo Talyaaniga ee Cesare Maldini ayaa geeriyoodey isagoo 84 jir ah.

Cesare oo ah aabaha halyeey kale oo Milanese ah, Paolo, Maldini ayaa “geeriyoodey xalaytoole”, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Maldini ayaa inta badan waayihiisa ciyaareed ku qaatay camaaliqada Serie A ee AC Milan intii u dhexeeysey 1954 ilaa 1966, isagoo kula guuleystey 4 Scudetti iyo koobkii ugu horreeyey ee uu naadigu ka qaado European Cup 1963-kii, isagoo u saftay in ka badan 400 oo kulan tartamada oo idil. Wuxuu sidoo kale 14 jeer u saftay Azzurri oo uu ku meteley KA62.

Kaddib markii uu ciyaaraha uga fariistay kooxda Torino sanaddii 1967, Maldini wuxuu kusoo laabtay AC Milan oo uu macallin u noqday 1972, isagoo u qaaday Koobka Koobabka iyo Coppa Italia.

Maldini ayaa deeto noqday macallinka Talyaaniga min 1980-86, kahor inta uusan 10 sano kadib misna kusoo noqonnin 1998 oo uu KA98 isagu wadey xulka. Wuxuu sidoo kale macallin usoo noqday Paraguay KA2002.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close