Ander Herrera iyo Ashley Young oo dib ugu soo laabtay shaxda Manchester United

(Manchester) 03 Apriil 2016 – Ander Herrera iyo Ashley Young ayaa labaduba ku jira shaxda kooxda Manchester United ee galabta la ciyaaraya Everton, ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League.

Kubbad sameeyaha Spain ee Herrera ayaa dhaawac muruqa ah ku seegay labadii kulan ee ugu dambeeyey kooxdiisa, halka Young uu garoomada ka maqnaa tan iyo bartamihii Janaayo, maxaa yeelay waxa uu qabay xanuun gumaarka ah.

Si kastaba ha ahaatee labadan ciyaaryahan ayaa ka mid ahaa 18-ka xiddig ee xalay ku sugnaa Lowry Hotel, kuwaasoo loo diyaariyey inay wajahaan kooxda Everton.

Man United oo ay ka go’an tahay inay u soo baxdo Champions League ayaa wajahaysa Everton iyadoo ku jirta kaalinta lixaad, afar dhibcoodna ka dambeysa Man City oo fadhisa kaalinta afaraad ee loogu soo baxo Koobka horyaallada Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close