Yaa guulo badan Barcelona iyo Real Madrid kulamada El Clasico ee dhaca bishan oo kale ee Abriil?

(Catalonia) 02 Abriil 2016.  Saacado yar ayaa ka harsan kulanka la wada sugayo kulanka ugu shidan kubbada cagta adduunka ee El Clasico oo ay ku dagaalamaan Barcelona iyo Real Madrid.

Camp Nou ayaa kolkan marti galineysa ciyaartan wayn waxaana guulo badan isla kooxda iska leh garoonkan marka ay timaado in la eego kulamada la ciyaaro El Clasico bishan oo kale ee Abriil.

Waxay Real Madrid iyo Barcelona horey u soo ciyaareen 21-kulan bisha Abriil waxaana 8-jeer adkaatay kooxda ka arrimisa Catalonia halka kooxda cad cad ka ay adkaatay 5-kulan waxayna bar-baro galeen 8-kulan.

Markii ugu dambeysay ay labada kooxood ciyaaraan bishan oo kale waxay ahayd xilli ciyaareedkii 2011-2012 waxaana 2-1 ku adkaatay Real Madrid waxayna ciyaartu ka dhacday Camp Nou Jose Mourinho ayaana hogaaminayay kooxda ka dhisan Madrid.

calsico

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close