“Waxay ahayd inuu nagu soo biiro 5-sano ka hor, maxaa u yaala Falcao.”. iyo waxyaabihii ay Twitter-ka ku soo qoreen taageerayaasha Chelsea kaddib goolkii Pato

(London) 02 Abriil 2016.  Alexandre Pato ayaa gool iyo guul la soo hoyday kulankiisii ugu horreeyay uu u safto naadiga Chelsea oo uu amaahda ugu joogo kaddib ciyaartii dhaweyd ay Blues afarta gool ku xaaqday Aston Villa.

Haddaba taageerayaasha Chelsea ayaa durba Twitter-ka ku hoobtay iyagoo wax ka soo dhahay weeraryahanka reer Brazil.

“Waxay ahayd inuu Pato nagu soo biiro shan sano ka hor, weli way ku dambeysaa, wuxuu u baahan yahay uun inuu taam ahaansho sii helo.” Mid ku soo gala Tiwitter-ka GAGE ayaa sidaa soo qoray.

Taageere kale ayaa soo qoray: “Markasta waan ogaa in Pato uu wax fiican sameyn doono, gool kulankiisii ugu horreeyay.

KUWA KALE AYAA IYANA SIDAN SOO KALA QORTAY:

“Kulankii ugu horreeyay ee Pato, waxaan ku qosli karaa oo kaliya Falcao.”.

“Pato wuxuu ku guuleystay rigoorada, isagaa tuuray wuuna dhaliyay rigoorada, 2-0”.

“24-daqiiqo 0-0, 25-daqiiqo Pato ayaa soo galay, 26-daqiiqo Gool 1-0, Pato waa sixiroole.”

“Ugu dambeyn kulan ayuu helay Pato, Falcao uma muuqdo mid aad u faraxsan”.

“Pato ayaa soo galay, waxyaabo fiican ayaa dhacay!!!!! Loftus Cheeks Goool 1-0.”.

“30-daqiiqo uu ciyaaray Pato Premier League wuxuu dhaliyay goolal ka badan Hazard.”.

twiter twiter1 twiter2 twiter3 twiter4 twiter5 twiter6 twiter7 twiter8 twiter9 twiter10 twiter11

patoo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close